Qoraa U Dhashay Dalka Sacuudiga Oo Shaaciyay Fal Muslimiin Badan Ka Careysiiyay.

Qoraa U Dhashay Dalka Sacuudiga Oo Shaaciyay Fal Muslimiin Badan Ka Careysiiyay.

daajis.com:- Qoraa u dhashay dalka Sacuudiga ayaa sheegay in Qamrigga uu xalaal yahay, arintan ka soo yeerta ninkan Qoraaga ah ayaa ka careysiisay dad badan oo Muslimiin ah maadaama uu meel kaga dhacay Nusuusta Diinta Islaamka ah mid kammid ah.


Qoraagan oo lagu magacaawo Cabdulahin Binu Bakhiit ayaa bartiisa twitter-ka ku baahiyay qoraal uu ku sheegayo in Qamriggu aanu kammid aheyn wax yaalaha Diinta Islaamka ah lagu xaaraantinimeeyay.


Qoraaggan Sacuudiyaanka ah ayaa iska indha tiray aayadaha Qur’aanka ah oo ALLAAH uu ku xaarantinimeeyay Qamrigga, arintan ayaa waxaa jawaaba kulul ka bixiyay dhamaan dadka Muslimka ah ee warbixinta ninka akhristay.



Kuwaas oo Al- Bakhiit ku tilmaamay inuu meel kaga dhacay Diinta Islaamka uuna Tawbad layimaaddo, maadama uu inkiray aayado kammid ah Qur’aanka Kariimka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada