Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo Ka Dalbatay Angola Iney Sii Deyso Soomaali Ku Xer Xeran Dalkeda

Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kenya oo Ka Dalbatay Angola Iney Sii Deyso Soomaali Ku Xer Xeran Dalkeda

daajis.com:- Maxamed Cali Nuur Ameeriko Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya oo la kulmay Dhigiisa Dalka Angola u fadhiya Kenya ayaa ka dalbaday Dowladda Angola iney sii deyso Dad Soomali ah oo ku xeran Xabsiyada Dalkeeda.



Danjire Cali Ameeriko iyo dhigiisa Angola Virgilio Marques ayaa ka wada hadlay arrimaha ku aadan Soomaalida ku xer xeran Xabiyadda Angola iyo sidii ay dib ugu heli lahaayeen Xuriyadooda.



Daniraha Angola ee Dalka Kenya Ambassador Virgilio Marques ayaa sheegay in Dowladiisa uu kala hadli doono sidii Dadkasi Soomaalida ah ay u heli lahaayeen Cadaalad waxana uu intaasi ku daray in Angola aysan hilmaami karin taageeridii Soomaaliya ay ku laheyd Madax banaanidooda.


Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dadaal xoogan ay u gali doonro sidii loo sii deyn lahaa Muwaadiniinta Soomaalida ee ku xerxeran Xabsiyadda Dalalka kale xilli Dowladda Masar ay sii deysay Muwaadiniin Soomaliyeed.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada