Video:- Dilka wadaada Muslimiinta oo salka la galay Uhuru Kenyatta

Video:- Dilka wadaada Muslimiinta oo salka la galay Uhuru Kenyatta

daajis.com:-Saraakiil ka tirsan Ciidamada ka hortaga Argagaxisada ee Kenya ayaa waxay qireen in ay ka dambeeyaan dilalka wadaadada Muslimiinta Kenya ee ay ku tuhmaan in ay aaminsan yihiin  fikirka kooxaha islaamiyiinta mayalka adag ee Caalamka.

Warbixin muuqaal ah oo Telefishinka Al Jaziira ka diyaariyay howlgalada lagu dilay wadaada Muslimiinta iyo ciidamada ka hortaga Argagixisada ee Kenya ayaa lagu soo qaatay Sarkaal ka tirsan ciidamadaasi oo sheegay in amarada dilalka Wadaadadaasi in uu bixiyay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Madax u ah Guddiga sare ee amaanka Kenya.


Isagoo Faafaahiyay qeybaha ay u kala baxaan Ciidamadaasi ayaa waxa uu sheegay in ay yihiin dhowr waax oo kala qaabilsan howlgalada la xiriira dilka dadka loo arko in ay qatar ku yihiin amaanka Kenya iyo danaha dalalka reer galbeedka ee caawiya dowladda Kenya.

“Waxaan u kala baxnaa waaxda sirdoonka oo daba gala dadka la tuhmo ayuu yiri kadibna waxa ay u soo gudbiyaan aqbaarta waax kale oo isku geysa aqbaaraadka kadibna u gudbisa meelaha ay quseeyaan wararka la soo helay iyo waxyaabaha ay ku lug leeyihiin ugu dambeyntana waxaa loo gacan galiyaan waaxda dadka toogata oo mar walba heegan ugu jira in loo soo gubiyo qofka la doonayo in la dilo sidaas ayayna isugu xiran yihiin oo ah qaabkii loo dilay wadaadadii muslimiinta Kenya ee lagu laayay Magaalada Mambasa ayuu yiri Sarkaalkan oo wajigiisa la qariyay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada