Cabdi Qeybdiid oo war culus u jeediyay Puntland

Cabdi Qeybdiid oo war culus u jeediyay Puntland

daajis.com:-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Cabdi Xasan Cawaale “Qeybdiid”ayaa ku hanjabay in maamulkiisa uu qaadi doono tallaabo ka adag mida ay Puntland u qaaday xayiraada ay saartay garoonka Galmudug, isagoo intaa raaciyay in haddii ay ilaalin waayaan derisnimo wanaaga iyo walaalnimada meesha ka bixi doonto.

“Reer Puntland iyo Madaxdooda, waxaan ugu baaqayaa inay joojiyaan cunaqabateynta, haddaan la joojin waxaa imaan doonta cunaqabateyn ka culeys badan tan ay na saareen,”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

qeybdiid-gaasWuxuu Cabdi Qeydiid hadalkiisa sii raaciyay “Reer Puntlaanoow, tashada, hadey sidaasina go’aan idinka tahay, nagu kala wada, hadeysan sidaasi aheyna, midaasi ma ahan mid walaalnimada hagaajineysa”.

Cabdiqeybdiid ayaa sheegay in meeshii laga sugayay roob in ceeryaamo ka timid, taasoo ula jeeday in Madaxweynaha Puntland oo aqoontii iyo maamulkii uu u hayay Dowladdii dhexe ee uu Ra’iisul Wasaaraha kasoo noqday in ay noqotay ka daroo dibi dhal, sida uu hadal u yiri.

Wuxuu sheegay in Galmudug colaad wadin, hadafkeeduna uu yahay wada noolaansho iyo derisnimo wanaag, balse taasi uu sheegay in Puntland meesha ka saartay oo iyada kaligeed inay noolaado dooneyso.

Muranka ku saabsan garoonka diyaaradaha Galmudug ayaa mudo bilooyin ah soo jiidamayay, inkastoo kulamo arintaasi lagu xalinayay ay dhaceen, hadana ma muuqato xal laga gaaray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:51 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada