Video:- Holland oo qeybtii Labaad Qaxooti Soomaali celineyso Axada

Video:- Holland oo qeybtii Labaad Qaxooti Soomaali celineyso Axada

daajis.com:- Dowladda Holland ayaa bishan bilowday inay si xoog ah dib ugu celiso gudaha wadanka Soomaaliya, qaxootiga Soomaaliyeed ee dacwadahooda la diiday, iyadoo qeybtii labaad 14-ka bishan laga duulinaayo garoonka diyaaraddaha Amsterdam.

C/raxmaan Maxamuud iyo Mustafa oo ka mid ah dhalinyarada todobaadkaan la celinayo ayaa sheegay in tikidhadii ay ku raaci lahaayeen diyaaradda loo gacan geliyay, wuxuuna sheegay in 14-ka bishan diyaaradda Turkish Airline ay ku qoran yihiin ilaa Sedax qof.


Wuxuu sheegay in ilaa 400 qof oo Soomaali ah ay xabsiyada ku jiraan, qeybta uu isaga ku xeran yahayna dadka ku jira ay gaarayaan 36 qof oo tikidhadooda gacanta ku haysta.

Dhalinyaradan oo si jajuub ah dib loogu celinayo Muqdisho ayaa waxay sheegeen in lagu wargeliyay in Dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasiirka Amniga Khaliif Ereg inuu saxiixay heshiiska dib u celinta Qaxootiga Soomaaliyeed.

Todobaadkii hore ayaa dhalinyaro Soomaaliyeed laga dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kuwaasi oo si xoog ah looga duuliyay garoonka diyaaraddaha Amesterdam.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada