C/Weli oo go’aansaday in dalka uusan ka bixin, damacsanna qorshe cajiib ah

C/Weli oo go’aansaday in dalka uusan ka bixin, damacsanna qorshe cajiib ah

daajis.com:- R/W Cabdi Weli Sheekh Axmed oo dhowaan xilka ay ka qaadeen xildhibaanada Baarlamanka, ayaa qorsheynaya inuusan dalka ka bixin, islamarkaana uu dhiso xisbi siyaasadeed ay kasoo muuqan doonaan dhamaan xildhibaanadii kasoo horjeeday mooshinka lagu rida iyo cidkasta oo diidan siyaasadda Daamujadiid iyo Xasan Shiikh.

Xog ay baahisay waraabhinta K24 ayaa waxaa ay sheegeysa inuu Cabdi Weli Sheekh Axmed usheegay xildhibaano badan inuusan dalka ka bixi doonin mudda u harsan dowladan, oo uu sameysan doono xisbi siyaasadeed saameyn xoogan ku yeesha mustaqbalka 2016 iyo waxa laga filan karo doorashada xilligaasi lagu ballansan yahay.

“Waxaan go’aansaday in aan dalka ka bixin oo aan dhiso xisbi siyaasadeed caqabad xooggan ku noqda Xasan Shiikh iyo xertiisa dowladnimada ka dhigtay ganacsi iyaga u gaar ah. Waxaana dhawaan looga dhawaaqi doonaa magaalada Muqdisho xisbigaasi” ayuu u sheegay xildhibaanada uu kulan kula qaatay hoyga uu Muqdisho ka deggan yahay.

Mar uu ka hadlayey xisbigiisa iyo cida uu taageero uga heli karo ayuu sheegay inuu kalsooni weyn ku qabo xildhibaanada mooshinkii dhawaan lagu riday diidanaa iyo sidoo kale beesha caalamka oo qaati ka taagan siyaasadda Xasan Shiikh. Waa sida u hadalka u dhigaye.

“Xisbigan waxaa uu ku dhisan yahay hadafka iyo himilada xildhibaanadii xaq u diriirka ahaa ee kasoo horjeeday MOOSHINKII xukuumaddeyda lagu jalaafeeyey. Waxaa sidoo kale si diiran usoo dhaweynayaa xiriirka wanaagsan ee aan la leeyahay beesha caalamka, oo laftooda aan ku qanacsaneyn siyaasadda madaxtooyadda ee Xasan Shiikh” ayuu ku yiri xildhibaanada uu la sheeko wadaagay.

Qorshaha Ra’iisul wasaaraha CUSUB ee la soo magacaabi doono ayuu sheegay inay u diyaariyeen shirqool loogu diidi doono kalsoonida barlamaanka” Saddex jeer ayaa loo qorsheeyey in codka diidmada la siiyo RA’IISUL WASAARAHA CUSUB, taasina waa bilowga dagaalka Xasan iyo Abdiweli u dhexeeya.

Dhinaca kale waxaa uu sheegay inuu fadhiga ugu weyn ee xisbigiisa ka dhigan doono magaalooyinka GAROWE, GARBAHAAREEY IYO KISMAAYO, balse uu Muqdisho xilliyada qaar imaan doono. Waxaana muuqata inuu rabo inuu siyaasadiisa kasoo dhiso gobollada uu reer ahaan kasoo jeedo.

“Muqdisho xisbiga ayaa looga dhawaaqi doonaa, balse waxaa socodkeyga iyo howlaheyga siyaasadeed u badan doonaan magaalooyinka Garowe, Garbahaareey iyo Kismaayo. Meelihii kale ee loo baahdana dib ayaan ka eegi doonaa. Haddise waxaan xoogga saari doonaa saddexdaasi magaalo” ayuu ku yiri R/W Cabdi Weli Sheekh Axmed Xildhibaanada u tagay.

Lama yaqaan sida ay xildhibaanada taageersanaa siyaasadiisa ugu qanci doonaan qorshihiisan danbe ee xisbi iyo fadhiyada uu ka dhiganayo saddex magaalo oo qura, maadaama ay xildhibaanadda isugu jiraan kuwa kasoo kala jeedo gobollada kala duwan oo ay xitaa MUQDISHO ka mid tahay.


Waxaa la dhihi karaa R/W Cabdi Weli Sheekh Axmed waa “Dhibane Siyaasadeed” raba inuu hoos kasoo bilaabo siyaasada looga adgaaday hadda, si uu u yimaado doorashada 2016 isaga oo malihiisa heysta taageerada gobolladaasi iyo tan beesha caalamka. Waxaase ay siyaasadda tahay mid gelinba meel ku hoyata.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada