Reer Cumar Caddaan oo iska leh ceelka lagu le´day ee Juungal

Reer Cumar Caddaan oo iska leh ceelka lagu le´day ee Juungal

daajis.com:- Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya masiibadii habeen hore ilaa shalay ka dhacday degmada Yaaqshiid, gaar ahaan Laanta Xaafada Juungal, halkaasoo ay ku sumoobeen dadkii biyiha ka cabayay ceelka xaafadaasi ku yaal oo ah kan kaliya ee Laanta Juungal ku tiirsanaayeen.

Ceelkaan ayaa waxaa iska leh Xasan Cumar Caddaan oo la dhashay la dhashay Ganacsade Abuukar Cumar Caddaan, kaasoo horay dhowr jeer loogu xiray falal la xiriira Al-Shabaab.

Tiro ka badan Toban qof ayaa u nafweyday ceelka ay biyaha ka cabeen, in ka badan Boqol qofna goobaha caafimaad ayaa la dhigay, kuwaasoo qaarkood la liida fuuq bax.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa albaabada isugu dhuftay Ceelka biyaha u qeybin jiray xaafada Juungal, iyadoo ay socdaan baaritaano dheeri ah oo maamulka Gobolka iyo Nabadsugida ay ku hayso sababta dhalisay in dadkaasi geeriyoodaan, qaarkoodna dhul dhacaan, waxaana jira tuhum ah in ceelkaasi la sumeeyay.


Biyo la’aan baahsan ayaa maanta ka jirta xaafada Juungal ee degmada Yaaqshiid, waxayna dadka caafimaad qaba ee biyaha ceelkaasi ka badbaaday ay biyo u doonanayeen maanta xaafada kale ee biyaha ay ka haystaan ceelasha kale.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Jen. Muungaab ayaa sheegay in aysan ka hor dhici doonin baaritaanada socda, iyadoo shalay Hay’adda WHO ay dheecaano ay ka qaatay dadka fuuq baxa ku dhacay laga war sugi doono wixii kasoo baxa baaritaanadaasi.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada