Israel oo Kenya kala shaqeyneyso ka hortaga weerarada Al-Shabaab

Israel oo Kenya kala shaqeyneyso ka hortaga weerarada Al-Shabaab

daajis.com:-Danjiraha Israel u fadhiya dalka Kenya Amb. Shallom Charles Cohen ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ka taageerayaan dagaaladda ay kula jirto dhaqdhaqaaqa Ururka mayalka adag ee Al-Shabaab. halkan ayuu ka sheegay Danjiraha shir jaraa´id oo uu ku qabtay magaalada Nairobi.

Danjire Shallom Charles waxa uu shaaciyay sidoo kale in Kenya ay kala shaqeynayaan ka gudbidda Khataraha dalkeeda ay ku heyso Xarakadda Al Shabaab.

”Diyaar ayaan u nahay inan Kenya ka caawino la dagaalanka Argagixisadda waxana ka warqabnaa khataraha jira Balse waan taageereynaa sido kale caqabadaha dhinaca ammaanka oo ay hadda Kenya wajaheyso waan ka garab siineynaa ayuu yiri Danjire Cohen oo la hadlay Wakaaladda Wararka Shiinaha Ee Xinhua.

ShalomCohensraelSido kale Danjiraha waxa uu yiri ”dalka Kenya waxa uu u baahan yahay inuu dib u habeyn ku sameeyo ammaankiisa ma ahan oo kaliya in ciidamo loo daabulo Xadka dalkasi uu la wadaao Soomaaliya balse waa in la baaraa dhaqdhaqaaqyadda Argagixisadda ee ka dhacaya Dalka Kenya.


Danjire Shallom Charles Cohen ayaa dhinaca kale ka hadlay dhaqdhaqaaqyadda Argagixisanimadda oo ay Kenya wax badan ka baratay gaar ahaan Magaaladda Mandheera ee Waqooy-Bari Kenya Weerarkii ka dhacay oo ay ku dhinteen 64 qof oo Kenyan ah.

Danjiraha Israel waxa uu sheegay inuu la socdo caqabadaha dhinaca Ammaanka oo ay wajaheyso Dowladda Kenya isaga oo intaasi ku daray in Dhaqdhaqaaqayadda Argagixisanimadda ah in Kenya oo kaliya aysan Saameyn doonin Gobolka oo dhanse ay khatar ku tahay loona baahan yahay in dareen ay u yeeshaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada