DUBAI:- Kooxda SIYD oo ka badisey Kooxda Dubai City Fc +SAWIRRO

DUBAI:- Kooxda SIYD oo ka badisey Kooxda Dubai City Fc +SAWIRRO

daajis.com:-Kooxda Kubada Cagta ee Somali International Youth Development (SIYD), ayaa caawa kulan saaxibtinimo Magaalada Dubai ee dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta kula yeelatay Kooxda Dubai City Fc, iyadoona kulan cayaareedkaan uu ka dhacay Garoonka Kubada Cagta ee Dubai Club Stadium.

Cayaarta oo aheyd mid aad u xiiso badan, isla markaana ay labada koox soo bandhigeen cayaar wanaag, ayaa ugu danbeyn waxa ay kusoo idlaatay 2-1, oo ay guusha ku raacday xulka Somali International Youth Development (SIYD).

Daawashada cayaartaan waxaa kasoo qeyb galay Madax ay ka mid yihiin sii haaya Wasaarada Warfaafinta ee Dowlada Federalka Soomaaliya, Mustaf Dhuxuloow, Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya, Injineer Yariisow, iyo Madaxa Hey’adda CRD Jabril Cabdulle.

Madaxdaan ayaa aad usoo dhaweeyay talaabada dhalinyarada Soomaaliyeed ee Qurba-joogta ah ay ku sameenayaan is-dhax-galka, iyagoona sidoo kale Amaan ujeediyay Madaxda iyo hogaanka Cayaartoyda.

Maalinta Berito Xulka Somali International Youth Development (SIYD) waxa ay u Amba-bixi doonaan Magaalada Abu Dhabi, halkaasi oo ay cayaaro saaxibnimo ku yeelan doonaan.








FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada