Jeenyo oo ku guulaysatay Super Cup-ka Soomaaliya 2014 (Sawirro)

Jeenyo oo ku guulaysatay Super Cup-ka Soomaaliya 2014 (Sawirro)

daajis.com:- Naadiga kubadda cagta ee L.L.PP.Jeenyo ayaa galabta loo caleemo saaray koobka Super ka ee dalka Somalia kaddib markii ay ka adkaatay naadiga daafacaneysay horyaalka dalka ee Banaadir SC.

Kulankan, oo ka dhacay garoonka Baandir Stadium ayaa ahaa mid ay si weyn u riyaaqeyn dadweynihii u soo daawasho tagay oo maanta lagu tilmaami karay kuwii abid ugu badnaa ee soo xaadira , waxaana qayb ka ahaa masuuliyiinta qayabaha kala gedisan ee isboortiga iyo ciyaartoy hore ee dalka.

Super Cup-kubada cagta dalka oo ay sanadki labaad oo xiriir ah ay maali gelinaysay Shirkada Hormuud Telcom oo ah shirkada ugu balaaran isgaarsiinta dalka, ayay labada koox soo bandhigeen ciyaar wanaagsan ayaa ku soo idlaatay barbaro 2-2 iyadoo laba jeer ay hogaanka ciyaarta la wareegtay Jeenyo, balse Banaadir SC ay iska soo barbaraysay, gool-kulaadyo loo dhigay labada koox ayaa 5-4 ay guusha ku raacday kooxda Jeenyo.


Gebagabadii waxaa halkaas ka hadlay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta Cabdiqani Saciid Carab, waxuuna u mahd celiyay Maamulka Shirkada isgaarsiinta Hormuud oo xil iska saaray in taaba geliyaan Super Cup-ka dalka sanadki labaad ee xiriir ah, waxuun tilmaay in ay dhiira geli u tahay dhalinyarada mashquulka ku ah ciyaarta kubadd cagta dalka.

Guddoomiye Cabdi qani ayaa u mahad celiyay Shirkadda Coco Cola iyo Bangiga Salaam oo ka qayb qaatay ciyaartan, waxuuna Cabdiqani baaq u diray ganacsatada Soomaaliyeed in ay ka qayb qaataan horumarinta ciyaaraha dalka gaar ahaan kubada cagta oo dhalinyarao badan ay ka qaybqaataan.

Bandhiga Salaam ayaa qalab isboorti ugu deeqay garsoorayaashi kulanka dhexdhaxaadin Ciyaaryahanki ugu wanaagsanaa kulanka waxaa loo aqoonsaday gacal Faarax Cali oo kooxda Banaadir waxayna shirkada Hormuud ku abaal marisay Mobile Samsong Galaxy iyo astaan ka turjumaysa xidiga garoonka.


Macalinka Banaadir SC. Cumar Caruus iyo Macalinka Jeenyo Salaad Faarax ayaa shirkada Hormuud ku abaal marisay MobileSamsong Galaxy iyo shahaado sharaf, labada koox aya sidoo kale lagu abaal mariyay min laba joog oo funaanado ah, Shirkadda Hormuud aya dhanka Kale shahaado sharaf gudoonsiisay xiriirka Soomaaliyed ee kubadda cagta dadaalka uu ugu jiro horumarinta ciyaarta kubadda cagta.

Ugu Dambayn koob aad u qurux Badan ayaa la gudoonsiiyay Kooxda Jeenyo oo ku guulaysay super cup-ka Dalka Soomaaliya 2014.

Talaabada ay ku dhaqaaqday Shirkada isgaarsiinta Hormuud ayaa sare u qaadaysa dadaalka loogu jiro in in ciyaaraha dalka ay ka soo kabtaan dhibkii soo gaaray kadib burburkii xukumadii dhex ee dalka 1991.













FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada