Xog: Xubnihii uu Xasan u ballanqaaday wasiirnimada oo bannaan ku dhacay !!

Xog: Xubnihii uu Xasan u ballanqaaday wasiirnimada oo bannaan ku dhacay !!

daajis.com:- Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan Baarlamaanka BF Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Xassan Sheekh Maxamuud uu u deeriyay tiro xildhibaano ka tirsanaa Mooshin wadayaashii riday Xukuumada C/weli Sheekh Axmed.

Xildhibaanadan ayaa waxaa horey loogu sameeyey balan qaadyo ku saabsan in la siin doono xilal wasiiro ama wasiiro ku xigeeno ka mid ah xukuumadda cusub.

Si kastaba, warar cusub ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu Xildhibaanadaasi ka dhex xushay ilaa Shan Xildhibaan oo uu u balan qaaday inay ka dhex muuqan-doonaan Xukuumada Cusub, halka inta kalane uu uga baxay ballamihii ay ka sugayeen Madaxweynaha.

Xildhibaanada loo deeriyay ayaa waxa ay iyaguna dhankooda ku goodiyeen in Ra’isul wasaaraha Cusub uusan dhaafi doonin BF Somalia, taasi oo ay ula jeedan is hortaag ay ku sameyn doonaan aqbalaada Ra’isul wasaaraha.

Arrintaani ayaa waxa ay wado cusub u fureysaa kalsooni darida ka dhex dhalan karto Madaxweynaha, Ra’sil wasaaraha cusub iyo Xildhibaanadii looga baxay balamihii laga qaaday, waxaana suuragal ah in Ra’isul wasaaraha cusub uu saaxiib u noqdo Mooshino aan dhamaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada