XOG:- Xasan, A/Madoobe iyo Shariif Xasan oo dhisaya isbaheysi ka dhan ah Puntland

XOG:- Xasan, A/Madoobe iyo Shariif Xasan oo dhisaya isbaheysi ka dhan ah Puntland

daajis.com:- Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa lagu wadaa in dhowaan shir ay ka soo qayb galayaan Maamul Goboleedyo dhowr ah iyo Dowladda Somalia.

Shirkaan ayaa waxaa soo abaabulay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Xasan Sheekh Adan, waxana ka soo qayb galaya wufuud iskugu jirta Somali iyo ajaanib.

Shirkaan ayaa ah mid Isbahaysi Siyaasadeed ay ku sameysanayaan Maamullada Jubba, Konfur Galbeed, Galmudug iyo Dowalda dhexe ee Somalia, waxaana lagu caasumaya Xubno ka mid ah beesha Caalamka, si loo muujiyo in maamul Goboleedyada ay ku kalson yihiin Dowlada dhexe ee Somalia.

Shirkaan laguma casuumin maamulka Puntland waxaana u jeedkiisu u yahay in caalamka loo mujiyo in maamul Goboleedyada Somalia ka jira in ay taagersan yihiin Dowlada Somalia iyo qaabka ay u shaqayso marka laga reebo Puntland oo la rabo in laga dhigo maamul mixnad ah oo aan ogoleyn dowladnimada Somalia.

Dhanka kale Xiriirka Puntland iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ayaa imina aad u xun kadib markii hogaamiyaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu la xirtay Xasan Sheekh iyo Shariif Xasan.

Hogaamiyaha Jubba Axmed Madoobe iyo Madaxweyne Puntland Cabdiweli Gaas ayaa bishaan gudaheeda labo goor wada hadlay waxaana wadahadaladaasi ay ku saabsanayeen arrinka Mooshinkii ka dhanka aha R/W Cabdiweli iyo Shirka Kismaayo lagu qaban doono waxaana labadaasi wada hadal ay ku soo dhamadeen Fashil.

Puntland waxay hanti iyo maskax badan ku bixisay dhismihii Maamulka Jubba ayado oo ka raadineysa is-baheysi siyaasadeed, waxaase muuqata in siyaasadda iyo danta ay kala geysay labada dhinac.

Xiriirka Xasan iyo maamulka Axmed Madoobe ayaa la filayaa inuu sii xoogeysto, haddii sida Xasan Sheekh uu horey ugu ballan-qaaday beesha Axmed Madoobe siiyo xilka ra’iisul wasaaraha, oo uu u sharaxan yahay Xuseem Cabdi Xalane.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada