News:- Ahlusuna oo laga saaray Dhuusomareb

News:- Ahlusuna oo laga saaray Dhuusomareb


daajis.com:- War goor dhow naga soo gaaray Degmada Dhuusomareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay uu dib u bilowday Dagaalkii u dhexeeyay Ciidamada DF Somalia iyo Ahlusuna Wal-jameeca.

Wararku waxa ay intaa ku darayaan in Ciidamada Ahlusunna laga saaray magaalada kadib dagaal Labada Dhinac dhexmaray mar kale.

Dagaalka ka dhacay Degmadaasi ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii Ciidamada DF ee Dhuusomareeb jooga ay Dagaal Saaka Waabarigii ku qaadeen kuwa Ahlusunna,waxaa Ciidanka Dowladda u suuro gashay in ay la Wareegaan Degmada Dhuusomareeb.

Dagaalka Magaalada Dhuusomareeb Saaka ku dhexmaray Ciidanka DF iyo kuwa Ahlusunna ayaa Daba jooga Dagaal Shalay galab ka dhacay Degmada Gurceel oo u dhexeeyay Labadasi dhinac.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo dhinacyada dagaalamay ah iyo labo ruux oo rayid ah ayaa dhaawac uu kasoo gaaray dagaalkaasi, waxaana la baqayaa in qasaaraha uu intaasi uu kasii badan.

Xaalada degmada ayaa la sheegayaa inay tahay mid degen, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan in ciidamada Ahlu sunna laga saaray degmadaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada