WARBIXIN: Diyaar garowga shirka beri ee codka kalsoonida loogu qaadayo R/wasaaraha

WARBIXIN: Diyaar garowga shirka beri ee codka kalsoonida loogu qaadayo R/wasaaraha

daajis.com:-  Hoteelada Muqdisho iyo Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa ka socda diyaar garow xoog leh iyo shirar la isugu diyaarinayo kulanka beri ee Baarlamaanka u ballansan yahay inuu codka kalsoonida u qaado Ra'iisul Wasaaraha iyo xukuumadda.


Olole balaaran oo ay wadaan xildhibaanada iska soo horjeeda ayaa laga dareemayaa magaalada, waxaana dhinac walba uu maanta soo bandhigayaa awoodooda iyo dhoolutus ay ku muujinayaan codkooda, iyadoo shirarkan ay yihiin kuwii ugu danbeeyay ee xildhibaanada lagu kala jiidanayay.

Kulanka beri ee baarlamaanka ayaa qeybtiisa hore wuxuu noqon doonaa in lasii dhameystiro dhageysiga dooda oo xildhibaanada qaarkood shalay qoraxda ku dhacday, kulankaasi shalayna uu ahaa midkii ugu howl ballaarnaa ee baarlamaanka uu qabto mudooyinkan.

Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaa si toos ah xildhibaanada u sameynaya balan qaadyo iyo xilal, sidoo kale ay jiraan warar sheegaya in dhaqaale uu barbar socdo balan qaadyadaasi.

Xildhibaan Bishaar Ugaas oo ka mid ah mudanayaasha taageersan Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inay maanta ku leeyihiin magaalada Muqdisho dhoolatus siyaasadeed oo ay isugu diyaarinayaan kulanka berri, isagoo rajo ka muujiyay in guusha dhinacooda ay raaci doonto.

“Maanta waxaa yeelaneynaa kulan weyn oo aan ku tabaabusheysaneyno kulanka berri, qorshaheena waa inaan dhoolatus siyaasadeed soo bandhigno, isu imaatinkeena uu noqdo mid aan ku xaqiinineyno in maalinta sabtida ay guusha na raaci doonto oo aan cod ku kala bixi doono, codna aan ku diidno inagoo dareenkeena muujineyna”ayuu yiri Xildhibaan Bishaar Ugaas oo wareysi siiyay BBC-da


Waxaa uu sheegay inay ku kalsoon yihiin codka meesha uu u bato, hadii laga guuleysatana ay taageeri doonaan, isla markaana si dimoqraadiyad ah ay u soo dhoweynayaan wixii ka soo baxa codka Baarlamaanka.

Sidoo kale Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Xukuumada uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dhinacooda ay rajo aad u sareysa ka qabaan inay codka heli doonaan.

“Anaga waxaa ku kalsoonahay in codka aan heli doono, waxaan u diyaar garoobeynaa sidii sida saxda ah maalinta berri cod lagu kala baxo, waxaana ku qanceynaa go’aanka Baarlamaanka ka soo baxa, kalsooni badan waa qabnaa”ayuu yiri Xildhibaan C/rashiid Xidig.

Lama oga, lamana saadaalin karo, guusha cida hanan doonta, hase ahaatee waxaa shalay laga dareemay doodii baarlamaanka in tirada is qortay oo aheyd 191 xildhibaan in 138 ka tirsan inay ahaayeen kuwa soo gudbiyay mooshinka. Waxaase la ogaan doonaa beri.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada