Wasiirada Warfaafinta Kuwait iyo Soomaaliya oo ku kulmay dalka Kuwait

Wasiirada Warfaafinta Kuwait iyo Soomaaliya oo ku kulmay dalka Kuwait

daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Mustafa Sheekh Cali Dhuxulow ayaa caawa fiidkii magaalada Kuwait kula kulmay Wasiirka Warfaafinta Kuwait Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al-Sabah.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta ee labada dal ay xiriir joogta ah ka wada yeelan lahaayeen. Wasiir Mustaf ayaa warbixin kooban ka siiyey dhigiisa Kuwait xaalada dalka guud ahaan gaar ahaan dhanka amniga, siyaasadda iyo qorshaha hiigsiga 2016-ka.



Wasiir Mustafa Sheikh Cali Dhuxulow ayaa yiri “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay soo dhoweynta quruxda badan ee Wasiirka Warfaafinta Kuwait Salman Sabah Al Salem Al-Hamoud Al Sabah. Waxaan ka wada hadalnay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii labada wasaaradood ee warfaafinta ay wadashaqeyn joogta ah u wada yeelan lahaayeen. Waxaan ku faraxsanahay in Wasiirka Warfaafinta ee Kuwait uu naga aqbalay dhammaan qorsheyaashii aan hor-dhignay isla markaasna uu ballanqaaday in wadashaqeynta iyo taageerada Kuwait ay si deg-deg ah u bilaaban doonto.”

Wasiir Mustafa ayaa ku soo gabogabeeyey hadalkiisa “Kuwait waa waddan ay taariikh dheer oo saaxiibtinimo naga dhaxeyso, waxaana uga mahadceliyey sida ay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kuwait ay u soo dhoweeyaan una taageeraan, waxaana kula dardaarmay inay sii wadaan taageeradooda Jaaliyadda iyo shacabka Soomaaliyeed ee arrimaha gar-gaarka iyo horumarka dalka Soomaaliya. Waxaan isla garanay inay si deg-deg ah nooga taageeraan dhanka kobcinta tayada shaqaalaha oo ay tababaro joogta ah na siiyaan, inaan is weydaarsano aqoonta iyo xirfadda shaqaalaha labada wasaaradood, iney naga taageeraan horumarinta SNTV iyo Radio Mogadishu iyo sidii warbaahinta gaarka loo leeyahay ay uga taageeri lahaayeen horumarka warbaahinta Soomaaliya iyo ka qeybqaadashada .”

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada