Afweyne oo loo ogolaaday in Xaaskiisa uu Xabsi kula kulmo

Afweyne oo loo ogolaaday in Xaaskiisa uu Xabsi kula kulmo

daajis.com:- Maxamed Cabdi Xasan Afweyne oo Loo ogolaaday inuu Markii ugu horeysay Xabsiga kula kulmo Xaaskiisa tan iyo Mrkii la xeray.

Afweyne ayaa lagu xeray Bishii November ee Sanadkii 2013kii Xabsi ku yaalla Magaaladda Brussels ee Xarunta Dalka Canada.

Xubno ku dhaw Qoyska Afweyne ayaa u xaqiijiyay Warbaahinta in Xaaskiisa ay ku booqatay Xabsi ku yaalla Brussels.

Afweyne ayaa qabsaday Dareenka Warbaahinta Caalamka intii lagu jiray Sanadihii 2009kii ilaa iyo 2010kii markas oo ay Burcad badeeda Qabsadeen wax ka badan Toban Markab.

Sanadkii 2012kii ayuu ku dhawaaqay Maaxamed Cabdi Afweyne inuu ka joojiyay Howlgalka Sharci daradda ee Kooxda Burcad Badeeda Markas oo uu ku sugnaa Magaalada Cadaado ee Bartmaha Soomaaliya.


Waxa lala Xeray Afweyne Madaxweynihii hore ee Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Adan Tiicey oo weli Xabsiga ku jira.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada