DAAWO VIDEO:- Baarlamaanka oo ka horyimid Codsigii Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashiid

DAAWO VIDEO:- Baarlamaanka oo ka horyimid Codsigii Ra’iisul Wasaare Cumar C/Rashiid

daajis.com:-Dood dheer ka dib Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ayaa maanta ogolaaday in cod loo qaado, xilliga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya uu Golahiisa Wasiirada horkeeni doono Xildhibaanada Baarlamaanka.

Kooromka Baarlamaanka oo maanta ku furmay 192 Xildhibaano, ayaa waxay qaarkood isaga taggeen Baarlamaanka, markii uu buuqa iyo sawaxanka Xildhibaanadu batay.

120 Xildhibaano, ayaa diiday in 22-ka bisha laga dhigo goorta Ra’iisal Wasaaraha, uu Wasiiradiisa keeni doono Xarunta Golaha Shacabka, halka 57 Xildhibaano ay aqbashay.


Guddoonka Sare Baarlamaanka, ayaa wuxuu iclaamiyay in Baarlamaanku uu diiday in dib loo dhigo waqtigii horey loo muddeeyay, ee ahaa in 17-ka bishaan uu Ra’iisal Wasaaraha horkeeno Wasiiradiisa Baarlamaanka.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa wuxuu Ra’iisal Wasaaraha uu ku wargeliyay, in Sabtida aan laga weyn Xarunta Golaha Shacabka.

Tani waxay muujineysaa sida Xukuumadda Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke aynaan kalsooni badan uga heysan Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Dad badan, ayaa waxay qabaan inay dhici doonto Xukuumadda Sharmaarke,haddii aynaan dhicin wax mucjiso ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:41 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada