daajis.com:- Sida la soo sheegayo Labo qof ayaa caawa ku geeriyootay, 1 qof kalana waa uu ku dhaawacmay ka dib markii Howlgalo ay Ciidamada Nabad Sugida Dalka Belgium ay ku qaadeen Guri ay dagenaayeen Dad lagu sheegay in ay xiriir la leeyihiin Kooxda ISIS ee ka dagaalanta dalalka Siiriya iyo Ciraaq.
Saraakiisha deegaanka ayaa sheegaya in howl galka uu ka socdo magaalo lagu magacaabo Verviers, iyadoo la soo warinayo in qof kalana lagu qabtay howl galka.
Telefishinka Belgium ayaa sheegaya in ciidamada gaarka ah ay wadaan howl galka, waxaana jirta in xubno lala xiriirinayo Kooxo Islaamiyiin ah lagu qaaday howl galka.
Goob joogayaal ayaa sheegaya in la maqlayay qadaro daqiiqado ah rasaas xoogan iyo ilaa saddex qarax, waxaana uu gubanayay qeyb ka mid ah dhismaha uu howl galka ka socday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 17:00 and have
