daajis.com:- Ciidamadda Ammaanka ee magaaladda ayaa halgal guri guri ah ka bilaabay Xaafadaha kuyaala magaalo ganacsiga Puntland ee Boosaaso.
Ciidan ayaa ku socday raxan raxan ,waxayna baaritaan ku bilaabeen duhurnimadii shalay ilaa xalay xaafadaha qaar ee magaalada Boosaaso halkaas oo ay baaritaan iyo su’aalo weydiinayeen dadka degan Xaafadahaas.
Xaafadaha sida gaarga ay Ciidamada Ammaanku baaritaanka ugu sameeyeen ayaa kala ah Biya kulule iyo Raf iyo Raaxo,waxayna Booliska kazoo qabqabteen Todobaan dhalinyaro ah oo la tuhmay.
Saraakiisha sarsare oo ay Raxanreeb la hadashay ayaa sheegay in dadka la hayo ku sameyn doonaan baaritaan kuwa danbiga lagu waayana ala sii deyn doono kuwa lagu helana iney danbi galeeb sida ugu dhakhsiyaha badan sharciga loo horgeynayo.
Sidoo kale Saraakiisha ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan magaaladda iney la shaqeeyaan Ciidamada Booliska si looga hortago kuwa ammaan darada ka wada magaaladda.
Ammaanka guud ee Boosaaso ayaa ah mid wanaagsan balse ay marar yar dhacaan falal lagu khalkhalgelinayo Xasiloonida deegaanka,waxaana la weeraray Saldhig ciida iyo Ciidamo baaritaan wadey.
Dhacdadii ugu danbeysay ayaa ahayd mid lagu dilay askari ka tirsan Laamaha ammaanka halka dhawaac uu soo gaaray laba askari markii bam-gacmeed lagu tuuray.
Dadka falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in dhacdooyinkii ugu danbeeyey ee lagu khalkhalgelinayey Ammaanka la xiriirto Weerarka Ciidamada qalabka sida ku qaadeen Al-Shabaabta buuraleyda Galgala oo firxadkoodii kusoo jabeen magaalooyinka Puntland ayna Boosaaso qeyb ka tahay.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo Saxaafada la hadlay ayaa sheegay in jab xoogan u geysteen Al-Shabaab isla markaana ka qabsadeen deegaano hor leh.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 16:23 and have

