Taliyaha Booliska gobolka Bari Cabdixakiin : Nabadoono Ayaa Gacan Siiya Ururka Al-Shabaab ee Boosaaso.

Taliyaha Booliska gobolka Bari Cabdixakiin : Nabadoono Ayaa Gacan Siiya Ururka Al-Shabaab ee Boosaaso.

daajis.com:- Taliska Guud ee Boosliska gobolka Bari ayaa ka hadlay bam-gacmeed lagu wareeray Ciidamo baaritaan ka waday wadada Laamiga ah ee afar iridoodka.

Taliyaha Ciidanka Booliska gobolka Bari Gaashaanle sare Cabdixakiin Yuusuf Xasan oo Saxaafada Boosaaso la hadlay ayaa sheegay in bilaabeen hawgal ay ku baadi goobayan kuwa weerarka geystay.

….’’’ Talaabo adag ayey Ciidanku ka qaadayaan ,weyna ku daba jiraan ,waana aqoonsanay Ragaas kuwa ay yihiin iyo halka ay ku dhuumanayaan….’’’ayuu yiri Taliye Cabdixakiin.


Al-Shabaab Nabadoona ayaa gacan-siiya!!!

Taliyaha Booliska gobolka Cabdixakiin ayaa sheegay iney ka warhayaan dad mas’uuliyiin Nabadoona ah oo gacan weyn siinaya Ururka Al-Shabaab  isla markaana dejiya Xaafadaha magaaladda.

….’’’ Guryaha magaalada kuyaala saacadba mid bey geynayaan ,habeen hore kii ay joogeen baan tagnay laba boqol oo guri baa loo bedelay ,dadka shaqadaas u qabanaya waa mas’uuliyiin qaarkood Nabadoono yihiin….’’’ayuu yiri.

Hadalka Taliyaha oo ay ka muuqatay Caro ayaa tilmaamay ineysan yeeleyn in wiilasha yaryarka ah ee Al-Shabaab ee laaya dadka guryahooda cunto loogu kariyo kuwa dhalayna magaalada si raaxo leh uga ganacsadaan.

Ciidamada khasaaraha kazoo gaaray Weerarada kooxahaas ayaa Taliyuhu u Tacsiyeeyey,wuxuuna ALLE uga baryey in Janadiisa ka waraabiyo,isagoona shacabka ugu baaqay la shaqeyn.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada