Angel Di Maria oo loo yeelayo xoog uu ku ciyaaro Premier League….(Man United oo qorshe cusub u sameysay!)

Angel Di Maria oo loo yeelayo xoog uu ku ciyaaro Premier League….(Man United oo qorshe cusub u sameysay!)

daajis.com:- Laacibka lacagihii ugu badnaa ebid Premier League ugu soo biiray kooxda Man United Angel Di Maria ayaa culeys qaadi doona labo jeer usbuuciiba si loo xoojiyo nafsadiisa jir ahaaneed.

Tababare Louis van Gaal ayaa isagu qiray in xiddigii hore ee Real Madrid uu ku dhibtoonayo inuu la qabsado horyaalka xooga ku dhisan ee Premier League.

Sida darteed Man United ayaa laacibka u sameysay barnaamij GYM ah si loo kordhiyo quwadiisa iyadoona GYM-kaasi uusan lumin doonin dhaq-dhaqaaq laacibka iyo ordkiisa dheereeya.

27-jirkaan ayaa si aad u dhow iminka ula shaqeynaya kuwa ku taqasusay jir-dhiska Man United ee xerada tababarka kooxda Carrington complex.


Howshaan oo kale ayay Man United horey u soo marsiisay goolhaye David De Gea iyo xiddiga garabka weerarka kaga ciyaara ee Adnan Januzaj si ay quwadooda u kordhiso.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada