daajis.com:- Taageerayaasha kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa arki doonin markale Wayne Rooney oo ku dabaal dagaya feer marka uu gool dhaliyo, kaddib markii xiddiga United uu sheegay inuusan soo celin doonin inuu ku dabaal dego feerka marka uu gool dhaliyey sabab la xiriirta wiilkiisa Kai.
Rooney ayaa qabsaday shaashadaha warbaahinta iyo cinwaannada hore ee wargeysyada bishan kaddib markii laacibka Ingiriiska la soo bandhigay muuqaal yar oo muujinayey isagoo la feertamaya laacibka kooxda Stoke City ee Phil Bardsley, ka hor inya uusan 29 sano jirkaan feer ku dabaal dagin markii uu gool ka dhaliyey Tottenham.
Laakiin kabtanka Man United Rooney ayaa hadda go’aansaday inuusan soo celin doonin dabaal deggii feerka, kaddib markii wiilkiisa shan sano jirka ah ee Kai uu dabaal degga feerka ee Aabihiis oo kale ku dhex sameeyey Iskuulka.
“Mar walba waan jeclaa feerka, nasiib darro mararka qaar aad iiguma wacnaado aniga.” ayuu yiri kabtanka Man United Wayne Rooney.
“Waa wax maad leh xaaskeyga waxay u baxday inay ka soo kaxayso iskuulka wiilkeyga, waxayna aragtay isagoo fasalka ku sameynaya dabaal daggaas, waan hubaa inaadan markale arki doonin middaa.” ayuu hadalkiisa ku daray Rooney.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 01:55 and have

