daajis.com:- Ciidamada Booliska Mombasa, ayaa qabtay 3 Gabdhood oo lala xiriirinayo falal argagixiso ineey qaraxyo is miidaamin ah geystaan.
Gabdhahaan ayaa markii la qabanayay waxay saarnaayeen Gaari kusii jeeday magaalada Mandheera, iyagoo doonayay ineey ugu sii gudbaan dhinaca Soomaaliya si ay Al-shabaab ugu biiraan.
images (1)Gudoomiyaha Mombasa Nelson Marwa, ayaa sheegay in sadexdaan Gabdhood lagu qabtay deegaan Ceel-waaq oo ah xuduudka Somalia iyo Kenya.
“Waxay ka baxeen Mombasa iyagoo sii maray Mandheera, waxay xiriir la lahaayeen Alshabaab, waxaana loo tababaray ineey qaraxyo geystaan” sidaa waxaa yiri Nelson Marwa.
Gabdhahaan sadexda ah ayaa u kala dhashay dalalka Kenya iyo Tanzania, waxaana lagu kala magacaabaa.
Ummul-Khayr Sadir Abdull oo ah Zensibar.
Maryam Said Aboud iyo Khadija Abubakar Abdulkadir oo labaduba Kenyan ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 14:17 and have

