Iiraan oo Xaruumo Mad-habta Shiicada lagu barto ka furtay Muqdisho-XOG

Iiraan oo Xaruumo Mad-habta Shiicada lagu barto ka furtay Muqdisho-XOG

daajis.com:- Baaritaan mudo socday ayaa warfaafiye.com, waxa uu ogaaday in doowlada Iiraan ay magaalada Muqdisho ka furtay dhowr xaruumo oo lagu faafiyo Mad-habka Shiicada.

Xaruumahaan ayaa isugu jira Masaajidyo iyo Maraakis, waxaana maalin walba imaada dhalinyaro iyo Haween, kuwaasoo si tartiib tartiib ah loogu baro Mad-habka Shiicada.

Xaruunta ugu weyn waa Masaajid ku yaal wadada Maka Al-mukarama, gaar ahaan meel u dhow isgoyska Sayidka.

Masjidkaan ayaa waxaa dhisay doowlada Iiraan, waana xaruunta ugu weyn ee la doonaya in Soomaaliya looga faafiyo Mmad-habka Shiicada.

Culumaa’udiinka Soomaaliyeed oo digniin kasoo saaray:

Waxa ay sheegeen in ay jiraan Xarumo ay ku lee yihiin Soomaaliya Shiicadda.



Afhayeenka Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed Shiiqnuur Baruud Gurxan oo lahadlayay Warbaahinta ayaa sheegay in Magaaladda Muqdisho ay ka Furantahay Xarun ama Markas shiica liina baahan yahay in la bur buriyo.

Afyaheenka ayaa waxa uu sheegay in ay jirto dadaalo lagu doonayo in soomaaliya lagu Beero madhabta shiicada ee ay hogaamiso dowladda Iraan.

Waxa uu sheegay Shiiq Nuur Baruud in maalmahaanba si hooso culimaa’udiin loogu qaadayay dalka iiraan si loo baro madhabta Shiicadda ee ay hogaamiso dowladda Iraan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada