Al-Shabaab oo dhallinyaro ka qoraneysa gobolka W/Bari ee dalka Kenya

Al-Shabaab oo dhallinyaro ka qoraneysa gobolka W/Bari ee dalka Kenya

daajis.com:- Dhallinyaro tiradoodu kor u dhaafeyso 20-ruux ayaa la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen, dhallinyaradaas oo ku biiray ururka Al-Shabaab, isla markaana tababarro ku qaadanaya degaano ku dhow xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Warbixin ay soo ururisay BBC-da ayaa lagu sheegay inay jiraan caddeymo muujinaya in Al-Shabaab ay dhallinyaro ka qoraneyso gobolka W/Bari dalka Kenya, iyadoo Golaha Muslimiinta gobolkaasina uu sheegay in taleefanno loogu hanjabay.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in wadaadada ka soo jeeda gobolka W/Bari ay sheegeen in Al-Shabaab ay ugu hanjabeen inay dilayaan, iyagoona ugu baaqay Dowladda Kenya inay adkeyso ammaanka shacabkeeda.

Dalka Kenya dadweynaha ayaa ka cabsi qaba in Al-Shabaab ay qaaddo weeraro la mid ah midkii jaamacadda Gaarisa ee ay ku geeriyoodeen ku dhowaad 150-ruux.

Dhinaca kale waxaa meesha ka baxaya kalsoonida ay dadweynaha Kenya ku qabaan in hay’adaha ammaanka dalkaasi ay wax ka qabtaan weerarada Al-Shabaab ku heyso dalkaasi, kaddib markii uu hareeyay musuqmaasuq baahsan.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada