daajis.com:-Gobolada Hiiraan, Sh/hoose iyo Banaadir waxaa saakay ka bilowday roobabka Guga, waxaana saakay hawada magaalada Muqdisho oo daruuro xireen saacado kahor uu ka bilowday gudaha iyo hareeraha magaalada Muqdisho.
Roobabkaan oo si degan uga bilowday Muqdisho ayay dadku ku qabowsadeen, bacdamaa maalmahaan ay ku jireen xaalad kuleylo aad u xoogan.
Isu socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga ayaa saameyn ku yeeshay roobabka ka billowday magaalada Muqdisho, iyadoo hoos u dhac uu ku yimid dhaqdhaqaaqa magaalada Muqdisho.
Dhinaca kale magaalada B/Weyne oo xalay ay ka bilowdeen roobabka Guga ayaa ilaa iyo saakay ka da’aya guud ahaan degmooyinka uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in degmooyinka Afgooye, Marka, Wanlaweyn iyo degaano kale ay ka da’ayaan roobabka Guga, iyadoo dadka iyo xoolaha ay si weyn ugu diirsadeen.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:40 and have
, Published at