Daawo:- Maxkamad gobolka Ohio uga bilaabatay wiil soomaali ah

Daawo:- Maxkamad gobolka Ohio uga bilaabatay wiil soomaali ah

daajis.com:- Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud oo 23 jir ah ayaa guddi xeerbeegto oo ah uu ku eedeeyey in uu galay dambiyo kala ah taageerida argagixisada iyo in uu warbixin khaladan siiyay saraakiil ka tirsan hay’adda FBI. 


Kaaliyaha xeer-ilaaliyaha guud ee amniga qaranka John P. Carlin, xeer-ilaaliyaha koonfurta degmada Ohio Carter M. Stewart iyo sarkaal ugu sareeya laanta FBI ee faraca magaalada Cincinnati Angela L. Byers ayaa eedeeymahan dusha uga tuuray eedeysanaha maanta.



Warbixinta maxkamadda la horkeenay ayaa lagu sheegay in Cabdiraxmaan uu bishii April ee sanadkii hore tagay Siiriya si uu halkaasi ugu qaado tababar ugana barbar dagaallamo ururka Daacish.  

Eedeysanaha ayaa haddii lagu helo dambiya lagu soo eedeeyay wajihi doona xukun xabsi oo dhan 23 sano, walow weli eedeymahu ay yihiin kuwo aan caddeymahooda la soo dhammaystirin.

Eedeysanaha ayaa maanta loo gudbiyay xasbiga federal ah taasoo la qabtay 21- bishii February ee sanadkan.   



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada