daajis.com:- Waxaa maanta dalka France ka bilaabanaya maxkamada u dhaxeysa haweenay u dhalatay dalka Vietnam iyo shirkadaha awoodda badan leh ee soo saara suntan Kimikalka oo laga leeyahay dalka Maraykanka.
Maxkamadan ayaa salka ku heysa dacwad ka dhan ah shirkadahan oo ah kuwii soo saaray suntii ciidamada Maraykanka u adeegsadeen dalka Vietnam xiligii uu socday dagaalkii wadankaasi 1959 -1975.
Haweenayda dacwada soo oogtay oo lagu magacaabo Tran To NGA ayaa ka tirsanaan jirtay xoogagii xoriyad u dagaalanka Vietnam ee dhibaatada kala kulmay suntii ay ku shubeen ciidamada Maraykanka dhulka kaynta ah oo ay xeryaha ku lahaayeen jamhadihii Vietnam.
Suntaasi ayaa qorshuhu ahaa in lagu dilo dhirta ka baxda dhulka kaymaha ah si loo arko ciidamada Vietnam ee ku dhuumaaleysanayey halkaasi, balse suntaasi ayaa dhibaatooyin badan u keentay dhamaan bini’aadamka halkaasi ku sugnaa oo ay xataa ku jiraan askartii Maraykanka.
Dowlada Maraykanka ayaa horey magdhaw boqolaal malaayiin dollar ah usiisay askarteeda cudurada ka qaaday suntaasi, balse illaa iyo hada wax magdhaw ah lama siin dadka u dhashay Vietnam ee waxyeelada ugu ba’an gaartey.
Dacwadan maanta ka bilaabaneysa dalka France ayaa timid kadib markii ay xaquuqdeeda u dooday haweenaydan u dhalatay Vietnam oo hada heysata dhalashada dalka France.
Haweenaydan ayaa sheegtay in cudurada ay suntaasi ka qaaday ay xataa u gudbisay sadex caruurteeda ah oo dhashay iyagoo cuduro kala duwan qaba, taasi oo la sheegay inay qeyb ka tahay suntii jirkeeda ku jirtay oo ay u gudbisay caruurteeda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 13:29 and have
, Published at