Daawo Sawirada'' Qooys ka kooban 5 qof oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Manchester iyo sababta loo xiray oo la ogaaday

Daawo Sawirada'' Qooys ka kooban 5 qof oo lagu xiray garoonka diyaaradaha Manchester iyo sababta loo xiray oo la ogaaday

daajis.com:- Booliska dalka UK ayaa garoonka diyaaradaha ee Manchester ku-xiray qooys ka kooban 5 qof oo ka soo laabtay dalka Turkiga.

Qooyskan ayaa la qabtay kadib markii sagaal qof oo kale lagu qabtay dalka Turkiga kuwaas oo ay isku qooys hoose yihiin.

Qooyskan garoonka Manchester lagu xiray ayaa ka kooban 5 qof laba dumar ah iyo sadax caruur ah.

Nin kale oo dhalasho ahaan aan ka fogayn qooyskan Manchester lagu qabtay ayaa Talaadadii lagu qabtay garoonka diyaaradaha ee Birmingham.

Dadkan ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay Turkiga uga sii gudbaan dalka Suuriya, si ay uga barbar dagaalamaan Maleeshiyaadka Daacish.

Boolisku wuxuu sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sababta keentay in sagaal qof oo isku qooys ah isku dayaan inay utalaabaan dalka Suuriya.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada