Hoggaamiye Islaam ah oo ku guuleystay doorashadii Nigeria

Hoggaamiye Islaam ah oo ku guuleystay doorashadii Nigeria

daajis.com:- Musharaxa hoggaamiyaha mucaaradka xisbiga APC ee doorashada madaxtinimo ee Nigeria, Muhammadu Buhari ayaa ku guulaystay doorashada dalkaasi oo dhacday Sabtidii iyo Axadii ka dhacday.

Madaxwaynaha xilka haya Goodluck Jonathan ee laga guuleystay ayaa telefoon u diray Muhammadu Buhari si uu u qirto in doorashada looga guulaystay, una hambalyeeyo General Buhari guusha uu doorashada ka gaaray.

Muhammadu-BuhariIyadoo dhowr gobol ay dhiman yihiin in natiijadooda lagu dhawaaqo, ayaa Mr Buhari wuxuu ka horeeyaa ku dhowaad sadex milyan oo cod madaxwaynaha xilka haya ee la tartamaya Goodluck Jonathan.

Horay, ayaa muuqaallo rabshado wata loogu arkayay xarunta guddiga doorashada ee magaalada caasimadda ah ee Abuja, markii wakiil ka socda xisbiga talada haya ee PDP, Elder Orubebe uu ku eedeeyay guddoomiyaha guddiga doorashada Attahiru Jega inuu dhinac u janjeero.


General Buhari ayaa lagu xasuustaa xiligii uu afgambiga ku qabsaday sanadkii 1984 ilaa 85-kii uu ka talinayay, waxaana dad badan ay saadaaliyeen inuu awooda in uu la dagaalamo kooxda Boko Haram.

Gen. Buhari wuxuu beeniyay warar warbaahinta ay hadal haysay oo ah inuu dalka gelin doono xukun Islaami ah, taasoo uu meesha ka saaray.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:43 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada