Ragii Afduubka ku Haystay Xeer Ilaaliyahii Istanbul oo Toogtay (Sawirro)

Ragii Afduubka ku Haystay Xeer Ilaaliyahii Istanbul oo Toogtay (Sawirro)

daajis.com:- Rag bistoolado ku hubeysnaa kana katirsanaa Xisbi Dalka Turkiga laga mamnuucay ee (DHKP-C) ayaa shalay Weerar qorsheesan waxa ay ku galeen xafiiska Xeer ilaaliyaha Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiga.

Nimankan ayaa galay xarunta uu ku sugnaa Xeer illaaliyaha waxa ayna u soo labisteen ama iska dhigeen in ay yihiin qareeno, ragan ayaa markii ay gudaha u galeen Xafiiska Xeer ilaaliyaha waxa ay bilaabeen in ay hubkooda lasoo baxaan ayna afduubtaan xeer ilaaliyahii.

Ciidamada amaanka Dalka Turkiga oo durba arintan lagu wargaliyay ayaa si deg deg ah goobta lagu afduubtay xeer ilalaiyaha hareereeyay.

Gor-gortan dheer ka dib, ayaa waxaa la’isku af garan waayay Siideynta Xeer ilaaliyihii


Waxaa markii dambe Ciidamada amaanka ay bilaabeen in ay xoog ku galaan halkii ay raga hubeesan ku heesteen xeer ilaaliyaha , waxaana halkaasi ka dhacay iska hor imaad lagu dilay ragii hubeesnaa waxaa sidoo kale dhaawac halis ah uu soo gaaray Xeer ilaaliyaha isagoo markii dambe uu u geeriyooday dhaawicii soo gaaray.


Xeer ilaaliyaha la dilay ayaa lagu Magacaabayay Mehmet Selim Kiraz, raga afduubtay xeer ilaaliyahan ayaana doonayay in ay ka qaadaan magacyada askar katirsan booliiska Turkiga oo loo heesto dilka wiil dhalinyaro ah oo ku dhintay Dibad bax Dowlada looga soo horjeeday oo dalkaasi ka dhacay sanadii 2013-ka.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:01 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada