daajis.com:- Afhayeenka Maamulka Jubba C/naasir Seeraar ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya inuu ka mas’uul yahay mooshinka laga soo gudbiyay dhismaha Baarlamaanka Jubbaland.
C/naasir Seeraar oo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha ka howl gala Muqdisho ayaa sheegay in Guddoomiye Jawaari aanu dhex dhexaad aheyn, isla markaana ay u arkayaan inuu gadaal ka riixayo mooshinkan.
seearaar“Anaga uma aragno Guddoomiyaha Baarlamaanka inuu dhex dhexaad yahay, dadka mooshinka ka shaqeynaya ayuu ka mid yahay, waliba dad gooni ayuu ku naas-nuujinayaa”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Mr Seeraar ayaa sheegay in mooshinka iyo wax ay ka hadlayaan Baarlamaanka aanu quseyn, isla markaana ay arki doonaan meesha ay wax geeyaan sida uu yiri.
“Guddoomiyaha Baarlamaanka waligiis Kismaayo ma uusan imaan, taas isaga weydiineysaan, laakiin wax na quseeyo oo noo yaalo ma ahan waxay ka hadlayaan, waa arkeynaa meesha ay geeyaan”ayuu yiri C/naasir Seeraar.
Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalintii labaad soo gaba gabeeyay dooda mooshinka dhismaha Baarlamaanka Jubbaland, iyadoo Xildhibaano dhowr ah ay sheegeen in aan si cadaalad ah u dhicin soo xulista kuraasta Baarlamaanka ee deegaanada Jubooyinka.
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka C/raxmaan Odawaa ayaa maanta la filayaa inuu hortago Baarlamaanka, si su’aalo looga weydiiyo arrinta dhismaha Baarlamaanka Jubba.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ugu dambeyn la filayaa inay cod u qaadaan, waxaana Baarlamaanka awood u leeyahay in Maamulada goboleedyada inuu ansixiyo, marka uu buuxiyo shuruudaha ah in labo gobol wixii ka badan is raaci karaan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:00 and have

