Mombasa: Gabdho lala xiriirinayo Al-shabaab oo maanta Maxkamad..

Mombasa: Gabdho lala xiriirinayo Al-shabaab oo maanta Maxkamad..

daajis.com:- Saddex gabdhood oo la qabtay iyagoo doonayey inay ku biiraan Xarakadda Alshabaab ayaa la filayaa inay maanta mar kale ka soo hor muuqdaan Maxkamadda magaalladda Mombasa, si loogu soo oogo eedeymo lagu hseegay Argagixiso.

Labo ka mid ah Gabdhahaasi oo lagu kala magacaabo Khadija Abubakar Abdulkadir iyo Maryan Saciid Cabuud ayaa u dhashay Kenya, halka gabadha kale oo lagu magacaabo Umul-kheyr Sadri Abdalla ka soo jeedo dalka Tanzania.

Haweenkaasi ayaa la sheegay inay Saraakiisha Milliteriga Kenya ka soo qabteen Deegaanka Ceel-waaq, xilli ay doonayeen inay u soo gudbaan Somalia.


Ilo ku dhow Baarayaasha ayaa sheegay inay gabdhahaasi tashkiilisay Haweeney u dhalatay dalka Syria oo la soo xiriirtay bishii September ee sannadkii hore, taasi oo la sheegay inay gabdhahaasi u ballanqaaday inay guursan doonaan rag ka tirsan Dagaalamayaasha Daacish.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada