DAAWO: Madaxweynaha Soomaaliya oo Sheegay in Al Shabaab Ay Kala Jajabayso (VIDEO)

DAAWO: Madaxweynaha Soomaaliya oo Sheegay in Al Shabaab Ay Kala Jajabayso (VIDEO)

daajis.com:-  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Sharaxaad ka bixiyay Goor uu Waraysi Siinayay Wariye ka Tirsan warbaahinta BBC-da, Sababta Keentay in Ururka Al Shabaab ay iyaga Is Ugaarsadaan.

Madaxweynaha ayaa yiri:- sanado ka hor ma aynaan is beegsan jirin Madaxda Sare ee Ururka Al Shabaab, waxaana xilligaan keenayna inay is beegsadaan ay tahay, culeys xagga dhulka iyo cirka oo kaga yimid Dowladda Somaliya iyo dalalka taageera.




Madaxweynuhu wuxuu markale cadeeyay in Dowladda Somaliya ay diyaar u tahay inay gacan u fidiso cid kasta oo isu soo dhiibayso Dowladda, hadii buu yiri ay ka tanaasulayaan afkaarta Ururka Al Shabaab, Dowladdu waxay horey u soo dhaweysay Saraakiil iyo Xoogag Ururka Al Shabaab ka tirsanaa kadib markii ay garwaaqsadeen inay ka tanaasulaan fekerka khalafsan ee Ururka Nabad diidka ah ee Al-Shabaab.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada