daajis.com:- Dowladda Denmark ayaa 17-kii bishan ka soo musaafurisay dalkeeda dhalinyaro Soomaali magangalyo doon ahaa oo dalkaas ku sugnaa.
Dhalinyaradan oo gaarayay afar ruux todobaadkan gudihiisa si qasab ah looga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.
Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa beeniyay in si xoog ah dhalinyaro Soomaali looga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kadib markii laga soo musufuriyay Denmark.
Mr Gaafow ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya aysan wax heshiis ah la gelin Denmark, kaasoo ku saabsan dib u soo celinta qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda.
“Todobaadkan dhalinyaro Soomaaliyeed oo afar gaaraya ayaa laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, laakiin dowladda dadkaas waxay la hadalsiisay Safaaradda Denmark si wax looga qabto, walina jawaab ayaa ka sugeynaa”ayuu yiri Jen Gaafow oo la hadlayay Idaacada BBC-da.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in Golaha Wasiirada ay u gudbiyeen arrintan ku soo saabsan dib u soo celinta dhalinyaradan Soomaaliyeed ee laga soo musaafuriyay dalka Denmarka
Dhalinyaradala soo musaafuriyay ayaa sheegay in dowladda Denmark iyo dowladda Soomaaliya heshiis dhex marin, taasna ay sabab u aheyd in dib loo soo celiyo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 18:30 and have

