DAAWO SAWIRADA:- Soomaali ku dhibaateysan dalka Yemen

DAAWO SAWIRADA:- Soomaali ku dhibaateysan dalka Yemen

daajis.com:Waxaa maalinba maalinta ka dambeysa sii cakirmeysa xaaladda nolol ee qoxootiga soomaaliya ee ku nool dalka Yemen halkaasoo ay ku hayso cunno iyo hoy la`aan.


Qaar ka mid ah qoxootigaasi oo ay shabakadda Calanka kula kuntay duleedka magaalada Sanca ayaa waxaa ay uga warrameen xaaladooda nololeed iyo qax ay sheegeen in ay soo galeen.

Waxa ay ka cabanayaan nolol aad u liidata iyo duruufo farabadan oo haysta, waxaana ay ka codsanayaan dowladda Soomaaliyeed iyo beesha caalamkaba in laga soo gaaro.

Dalka Yemen ayaa waxaa uu maalmahan ki jiraa 5-maalmood oo xabad joojin ah oo loogu gar-gaarayo dadka shacabka ah.

Yemen ayaa waxaa ka soconaya dagaalo sokeeye oo bilowday kadib markii xukunka si xoog ah ay uga tuureen Xuutiyiinta madaxweynihii dalkaasi.

Waddamo dhowr ah oo uu Sucuudigu hor kacayo ayaa duqeymo waxa ay ku wadaan Xuutiyiinta oo inta badan dalkaasi qabsaday.





FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada