Halkuu ayuu marayaa khilaafka DF iyo Puntland ee shirka Garoowe

Halkuu ayuu marayaa khilaafka DF iyo Puntland ee shirka Garoowe

daajis.com:- Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran oo ka hadley halka uu marayo khilaafka ka taagan shirka Garowe gaar ahaan gobolka Mudug ayaa sheegey in weli xal laga gaarin khilaafka taagan.

Indhaguran ayaa sheegey in Puntland oggolaan karto oo kaliya heshiis dhexmara labada dhinac balse aysan aqbaleyn in warsaxafadeed ku ekaado mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aaddan maamulka la doonayo in loo dhiso gobollada dhexe ee Somalia.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo wafdigiisa ayaa weli ku sugan magaalo madaxda Garowe iyada oo maanta qado loogu sameynayo halka la yiraahdo Jibo-gale oo ku taal duleedka magaalo madaxda Puntland.

Xaflad lagu qabtey xaley madaxtooyada Puntland ee Garowe ayaa waxa khudbado ka jeediyey madaxda dowlada Federaalka, Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada