Maxkamada Ciidamada oo dil & Xabsi ku riday rag al-shabaab ka tirsan

Maxkamada Ciidamada oo dil & Xabsi ku riday rag al-shabaab ka tirsan

daajis.com:- Maxkamada Darjada Koowaad ee ciidamada Qalabka sida dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta go’aan ka gaartay sagaal eedeysano oo iskugu jira Todobo ku eedeysan in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab iyo labo Askari oo ciidamada dowladda ah.

Kaaliyaha Maxkamada Col. Xasan Cabdiraxmaan Aadan ayaa maxkamada ka hor akhriyey go’aanka maxkamada iyo xukunada ay ku ridey Sagaalkan eedeysane, Kaaliyahu wuxuu sheegay in maxkamadu xukuno iskugu jira dil, Xabsi daa’im iyo Xabsi sanado ah ku ridey Siddeed ka mid ah eedeysanayaasha halka eedeysanaha kale lagu waayey dambi maxkamaduna sii deysay.


Maxkamadu waxay diltoogasho ku xukuntay eedeysane Axmed Aweys Xasan, Waxay Xabsi daa’im ku xukuntay Dable Mahad Axmed oo markii la xukumayey maqane ahaa, Maxkamadu waxay xabsi sanado isku mid ah ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah, Cabdi Ibraahim Maxamed, Maxamed Maxamuud Xasan iyo Ciise Maxamuud Cali Jimcaale waxayna ku xukuntay 10 sano oo xabsi ciidan ah midkiba.

Sidoo kale Cabbdi Salaan Axmed Tifow , Cabdi Salal Maxamed Miidaan iyo Sheikh Cali Cismaan Shan-nin waxay maxkamadu ku xukuntay min Afar sano oo xabsi ciidan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada