Daajis.com:- Muwaadin Soomaaliyeed oo 22 jir ah laguna magacaabo Axmed Ibraahin Xalane ayaa ka soo muuqday Dalka Denmark markii laga soo eryay dalka Britain.
Dowlada Britain ayaa muwaadinkaani Soomaaliyeed ka mamnuucday inuu dalkooda ku soo laabto markaasoo uu ka doorbiday inuu ku noolaado dalka Denmark.
Inkastoo dalka Britain uu sababi amni darteed dalkooda uga raacdeeyeen Axmed ayuu hadana si xor ah wuxu iminka ugu noolyahay Dalka Denmark gaar ahaan Magaalladda Aarhus.
Axmed Ibraahin Xalane wuxuu heystaa dhalashada dalka danishka waxaana la dhashay labo gabdhood oo mataano ah kuwaasoo dhawaan ku biirey dagaalamayaasha Daacish .Gabdhaha la dhashay wiilkaan ee ku biirey Daacish ayaa magacyadoodu kala yihiin Sahra Ibraahim Xalane iyo Salma Ibraahim Xalane waana mataano .Bishii June ee sanadkii hore ayay ku biireen Daacish waxayna halkaasi ku guursadee dagaalamayaasha daacish.
Barnaamijka News beat ee Idaacadda BBC-da ayaa lagu baahiyay in wiilkaani Soomaaliga ah uu noqday kooxaha mayalka adag inkastoo Dowlada Denmark aysan shakigaasi ka qabin islamarkaana uu xitaa dalal reer Yurub ah si xor isaga dhex goosho.
Axmed Ibrahim Xalane wuxuu ku soo korey Dalka Britain halkaasoo uu Quraankana ku bartay isagoo 13 jir ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 00:25 and have

