daajis.com:- Waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray Diyaaradii labaad oo siday dad gaaraya 95 qof oo Soomaali iyo 27 qof oo Yemeniyiin isugu jira, kuwaas oo ka soo qaxay dagaalada ka soconaya dalka Yemen.
Dadkan ayaa iskugu jiray Haween, Caruur iyo dad Waayeel ah waxaana garoonka ku soo dhaweeyay guddiga Gurmadka, wasiir wasaaradda arimaha gudaha C/rashiid Xiddig oo ay wehliso marwada madaxweynaha wuxuuna sheegay in dadkan loo qorsheeyey goobihii ay tegi lahaayeen.
Dowladda Somaliya oo kireysatay diyaaradaasi, ayaa dadkaasi Somaliyeed kaga soo daabushay dalka Yemen, iyadoona lagu wado in hawlaha gurmadka ee xagga cirka ah, ay sii socdaan.
Dowladdu waxay sheegtay inay Somalida Yemen u soo daabuli doonto hadba sida ay u kala nugul yihiin. Dadka kale ee awooda inay dalkaasi ka soo baxaan, ayaa si iskood ah dalka ugu soo laabanaya.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 20:00 and have
