Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Qadar oo si weyn maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho lana kulmay Madaxweynaha

Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Qadar oo si weyn maanta loogu soo dhaweeyay Muqdisho lana kulmay Madaxweynaha

daajis.com:-  Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Dowladda Qatar Khalid bin Mohammad Al Attiya , waxaana Wasiirka iyo xubnaha lasocda si diiran ugu soo dhaweeyay Garoonka Aadan Cadde Masuuliyiin katirsan Dowlada Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Dibada Qadar iyo xubnaha lasocda ayaa loo galbiyay xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya halkaas uu kulan albaabadu u xirnaayeen uu kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud.

Amaanka Magaalada Muqdisho ayaa maanta si weyn loo adkeeyay, waxaana inta badan la xiray laamiga Maka Al-Mukarama iyo laamiga gala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde halkaas oo lagu arkayay ciidamo badan oo katirsan Dowlada Soomaaliya.


Madaxtooyada Soomaaliya ayaa la filayaa in faah faahin dheeraad ah ka bixiso imaanshaha Wasiirka Arimaha Dibada Dalka Qadar Khalid bin Mohammad Al Attiya iyo kulanka uu la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada