Wasaaradda Macdanta oo Rajada Batroolka Somaliya ku Tilmaantay mid dhiira-gelin leh

Wasaaradda Macdanta oo Rajada Batroolka Somaliya ku Tilmaantay mid dhiira-gelin leh

daajis.com:- War maanta kasoo baxay Wasaarada Macdanta iyo Batroolka ee Dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in wasaarada aysan ogolaaneyn heshiis aanan xalaal aheyn oo ku saabsan arimaha Shidaalka.

Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxaa farxad u ah in ay ka warbixiso in sahanka shidaalka laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh. Soomaliya waa mid dhaqso u soo kabsaneysa, maalgashayaashu waxa ay garwaaqsanayaan fursadaha ka jira Soomaaliya, waxaana ay Dowlada Federaalka way soo dhoweyneysaa arintaa.

In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano socotay ma han mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa. Halka dib-u-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.

Wasiirka ayaa yiri: “Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso Dowladda Federaalka. Waaxaha shidaalka iyo gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, laakiin inagu kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awoodda Dowladda Federaalka ee ay ku abuuraneyso dakhligeeda,”



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada