daajis.com:- Ciidamada Ilaalada Wadooyinka ee magaalada Hargeysa ayaa maanta gacanta ku dhigay gaadhi ay mudo badan ku daba jireen loona haysto fal danbiyeed ugub ah oo uu ku kacay gaadhigan Noociisu yahay ama loo yaqaan Dukhaan Ama Taxi lambarkeeduna yahay 58037.
Dhacdo danbiyeedka Gaadhigan loo haysto ayaa lagu sheegay inuu afduubtay Gabadh ka mid ah haweenka ku nool Hargeysa.
Gabadhan oo markii ay kiraysatay kdib u raacday inuu u adeego maadaama gawaadhidan ay yihiin kuwa loogu talogalay inay bulshada isticmaalaan nasiib daro wadihii gaadhigu isku dayey inuu gabadhan Afduubo iyada oon ilaa hada la garanayn sababta dhabta ah ee ka danbaysa falkan iyo in ay hore wax uga dhexeeyeen haweenaydan.
Kadib markii ay gabadhu aragtay xaalada in aanay ahayn tii ay u socotay una kiraysatay gaadhigan hadalana lays dhaafsaday waxay go’aansatay inay iska tuurto gaadhiga nafteedana miidaamiso.
Nasiib wanaag, dhaawac culus ma gaarin gabadha sigatay.
Ciidamada taraafikada oo arrinkan loo sheegay ayaa si weyn u baadi goobay halka uu cago dhigtay gaadhigan iyaga oo ku daba jirya in muddo ah waxaanay ugu danbayn ka haleen isaga oo taagan meel Parking ah oo ku taala wadada halbawlaha ah ee Hargaysa gaar ahaan Agagaarka uu ku yaalo Horn Cable TV ama banka dhexe agtiisa.
Gaadhigana ayaa Lagu dalacay Wiish ka mid ah kuwa ciidamada nabadgelyada wadooyinku, Mana jirto Wali Faah Faahin ay ka bixiyeen ciidamada nabad sugida wadooyinka oo iyagu gacanta ku dhigay gaadhigan, wixii ka soo kordhana waanu idinla soo socodsiin.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:29 and have
, Published at