daajis.com:- Wararka laga helaayo deegaanka Raamo Cadey ee Gobolka Baay, ayaa sheegaaya in Ciidamada Dowladda iyo Amisom, ay la wareegen gacan ku haynta deegaankaasi.
Raamo Cadey waxay qiyaastii 40km u jirtaa Degmada Diinsoor, oo xilligan ay ku wajahan yihiin Ciidamada Huwanta, wuxuuna qorshuhu yahay in laga saaro Ururka Al Shabaab.
Gulufka militari ee ku wajahan Degmada Diinsoor, ayaa ka dhashay barakac ballaaran oo ay sameynayan bulshadii ku dhaqneyd Degmadaasi, kuwaa oo u barakacaaya goobaha nabdoon.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Baay, C/rashiid Cali Maxamed, ayaa sheegay in ka badan 500 oo qoys inay u soo barakaceen Magaalada Baydhabo, isla-markaana ay isku diyaarinayan sidii ay barakacayaashu u soo dhawayn lahaayen, sida uu yiri.
Ururka Al Shabaab, ayaa muddo dhan sideed sano ka arriminaayay Degmada Diinsoor, waxayna noqonaysaa markii ugu horeysay oo guluf militari lagu qaado, si looga saaro gacan ku haynta Diinsoor.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:00 and have
, Published at