Degdeg: Shirkii Degdega Ahaa Ee Gudiyada FIFA Oo Lagu Go’aamiyay Waqtigii La Qaban Lahaa Doorashada Madaxtinimada FIFA

Degdeg: Shirkii Degdega Ahaa Ee Gudiyada FIFA Oo Lagu Go’aamiyay Waqtigii La Qaban Lahaa Doorashada Madaxtinimada FIFA

daajis.com:- Gudiyada joogtada ah e FIFA ayaa shir aan caadi aheyn maanta oo isniin ah isagu yimid magaalada Zurich ee dalka Switzerland si ay u go’aansaday xiliga la qaban doono doorashada xilka madaxtinimada FIFA kadib markii ninka haatan xilkaas hayo ee Blateer uu ku dhawaaqay inuu isaga tagayo jagadiisa.

Blatter ayaa afar maalin kadib markii xilka madaxtinimada FIFA ku dhawaaqay inuu is casili soono kadib markii uu mucaarado kala kulmay qaar kamid ah wadamada yurub halka ay hey’ada uu madaxda ka yahay ceeb uga soo hoyatay musuq iyo wax isdaba marsiin yadii todobo sarkaal oo madaxda FIFA ahaa xabsiyo la dhigay.

Shrika maanta ayaa waxaa lagu go’aansaday in la qabto doorashada xilka madaxtinimada FIFA bisha labaad ee February ee sanadka soo socda ee 2016, iyadoo madaxa haata ee Uefa Michel Platini uu yahay qofka ugu cadcad doorashadaan inkastoo ay musharixiin badan jiri doonaan.

Platini oo ay dad badan kula taliyeen inuu isi soo sharaxo ayaana ilaa haatan isi soo sharaxin sidoo kalena aanan diidin inuu isi soo sharaxo waxaana la fahansan yahay inuu wadahalo kula jiro wada badan oo balamo hore uga baxay markii uu doonayay inuu meesha ka saaro Blatter.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada