Breaking News:- Xildhibaan ka tirsnaa BF oo lagu dilay Muqdisho

Breaking News:- Xildhibaan ka tirsnaa BF oo lagu dilay Muqdisho

daajis.com:- Kooxo hubeysan ayaa xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Soomaaiya ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, Saacadu uun kadid markii sarkaal ka tirsan xafiiska ra’iisul wasaaraha saaka lagu dilay degmada Dharkeynlay.

Wararka ayaa sheegaya in dilka xildhibaanka ay ka dambeeyay kooxo bastoolado ku hubeysnaa, waxaana xildhibaanka la dilay magaciisa lagu sheegay xildhibaan Cabdulaahi Xuseen Maxamuud, kaasi oo dhawaan aabihii lagu badalay.

Dableyda hubeysan ayaa dilay xildhibaanka kadib markii rasaas ay ku fureen gaari uu watay xili uu marayay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay iney ka dambeysay dilka xildhibaanka oo ka dhacay degmada Wadajir.


Degmada Wadajir ayaa waxaa lagu dilay masuuliyiinta ugu badan ee dowlada Soomaaliya, sida xildhibaano, agaasimayaal dhanka gobolka Banaadir iyo saraakiisha sirdoonka.

La soco waxii kusoo korhaa Insha allah

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada