Waxgaradka P/land oo Gaas ku eedeeyay inuu lidi ku yahay horumarka Garowe

Waxgaradka P/land oo Gaas ku eedeeyay inuu lidi ku yahay horumarka Garowe

daajis.com:-  Qaar kamid ah waxgaradka Puntland ayaa M/weynaha maamulkas ee C/wali Gaas ku eedeeyay inuu kasoo horjeedo horumarka magaalada Garowe oo ah Caasimada maamulka Puntland.

Cabdi Xaaji Yusuf “Shuluco” oo kamid ah odayasha gobolka Nugaal ayaa sheegay farqi wayn uu ku dhex jiro Madaxwaynaha Puntland iyo shacabka Garowe isaga oo xusey in xallintiisa looga fadhiyo wasiirada iyo xildhibaanada gobolka Nugaal ka soo jeeda.


“Haddii dadka reer Nugaaleed wax tuhmeen inaad naga saartaan ayaa la idinka doonayaa ,waxaana arintaasi u xil saaran idinka iyo sagaalka xilidhibaan ee gobolka Nugaal kasoo jeeda.” ayuu yiri Shuluco isaga oo maanta ka hadlaya kulan qado ah oo ay wasiirada xukuumada kaga jira gobolka Nugaal qabteen.

Shuluco ayaa sheegay inuu Madaxwayne Gaas soo magacaabay gudoomiye cusub oo KMG ah kaasoo waqtigiisu ahaa 45 cisho ah, iyadoo la dhaafay mudadaasi.  Shuluco ayaa xusey inay taagan yihiin mashaariicdii ka soconaysay Garowe kuwaasoo qaybtood lacagtooda loo hayo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:10 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada