Sarkaal Ka Tirsan Xafiiska Raíisul wasaaraha oo Muqdisho Lagu Toogtay (Magaciisa)

Sarkaal Ka Tirsan Xafiiska Raíisul wasaaraha oo Muqdisho Lagu Toogtay (Magaciisa)

daajis.com:- Waxaa saakay ay Kooxo hubaysan oo aan haybtooda la garan Magaalada Muqdisho ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Sarkaalkaan ayaa waxaa lagu dilay Degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir, gaar ahaan meel ku dhaw Masaajidka Macalin Nuur ee Degmadaasi.

Raggan ayaa la sheegay inay ku hubaysnaayeen Bistoolado, waxayna isla markiiba uu marxuumka wadada soo fuulayba ay la dhaceen rasaas, marxuumka ayaa watay gaari yar oo noocada raaxada ah, wuxuuna sida la sheegay uu ku wajahnaa goobtiisa shaqada.


Nimankii dilka geystay ayaa meesha ka baxsaday, mana aysan jirin ciidan ku baxay ama ka daba tagay oo isku dayay inay soo qabtaan raggaasi hubaysan.

Dilalka qorsheysan ayaa ku badan Degmada Dharkiinleey ee Gobolka Banaadir, waa Sarkaalkii labaad oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo lagu dilo Degmadaasi Dharkiinleey, horay waxaa Dharkiinleey loogu dilay Bishii Ramadaan gudaheeda Sarkaal ka tirsanaa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:20 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada