DAAWO:- Wakiilada QM iyo Midowga Yurub oo fashiliyey qorshihii P/Land ee go’doominta Galmudug iyo Khudbadihii

DAAWO:- Wakiilada QM iyo Midowga Yurub oo fashiliyey qorshihii P/Land ee go’doominta Galmudug iyo Khudbadihii

daajis.com:-Wakiilada Beesha caalamka ayaa farriin kul ul u diray maamul goboleedka Puntland iyagoo si cad ugu baaqay in khilaafka kala dhaxeeya maamulka cusub ee Galmudug ay waanwaan kala yeelato maamulkasi, waxayna arrintan dhabar jab siyaasadeed kii ugu weynaa ku noqoneysaa maamulka Puntland oo olole u galay sidii loo go’doomi lahaa Galmudug.

Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo ka mid ahaa madaxdii ka qeyb gashay caleemo saarkii madaxweynaha Galmudug ee Cadaado ka dhacay ayaa dib u soo xusuusiyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas heshiis uu magaalada Garowe ku saxiixay xilligii uu ahaa Ra’iisal wasaaraha dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Mr. Kay waxaa khudbadii uu Cadaado ka jeediyay ka mid ahaa: “Waxaan aqoonsanahay oo ka markhaati ka ahayn heshiiskii Garowe  ee dhex maray Ra’iisal wasaare Cabdiweli Gaas iyo Puntland oo la xiriiray dhismaha maamulka Galmudug, kaas ayaan taageraynaa” ayuu yiri Nicholas Kay oo farriin siyaasadeed culus u diray madaxweynaha Puntland isagoo intaas ku daray in dadka labada maamul ee Galmudug iyo Puntland ay si nabad ah ku wada noolaayeen ilaa 1993, beesha caalamkuna dooneyso inay nabadaas sii socoto.

HALKAN KA DAAWO KHUDBDII ERGEYGA GAARKA EE QM NICHOLAS KAY


Dhinaca kale Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa sidoo kale u sheegay C/weli Gaas inuu la fariisto oo heshiis la gaaro C/kariin Guuleed, isagoo dadkii xaflada caleemo saarka joogay soo xusuusiyay heshiiskii Gaalkacyo ay ka gaareen C/llaahi Yuusuf iyo Jen. Ceydiid.

HALKAN  DAAWO KHUDBDII MADAXA ERGADA YURUB MICHELE CERVONE


Wakiilka Midowga Yurub wuxuu Puntland iyo Galmudug ugu baaqay inay dib u eegaan heshiiskii 1993, kaasoo uu sheegay in haddii lagu dhaqmo ay si fudud ku heshiin karaan labada maamul oo taladooda ay u taalo C/kariin Guuleed iyo C/weli Gaas.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada