C/weli Gaas oo si dadban u taageeray bililiqada Kenya ee badda Somalia

C/weli Gaas oo si dadban u taageeray bililiqada Kenya ee badda Somalia

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland, C/weli Cali Gaas oo maanta kazoo laabtay safari uu ugu maqnaa Nairobi, ayaa warar dheeri ah ay kazoo baxayaan socdaalkii uu ku tegay Kenya.

Ujeedada safarkii Gaas ee Nairobi oo ahaa mid deg deg ah oo magaalada Garowe uu ugu dhaqaaqay wafdigii Ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe 18-kii bishan, waxaana safarka Gaas lagu sheegay labo arrin oo muhiimad gaar ah u laheyd Gaas. Tan koowaad ayaa lagu sheegay sidii uu ugu qeyg geli lahaa shirka dhaqaale abuurka ee Madaxweynaha Mareykanka uu ka fury Nairobi iyo tan kale oo ahead inuu Kenya u muujiyo taageerada bililiqada iyo boobka qeyb ka mid ah bada Somalia.
gaas-salaan
“C/weli gaas lab arrimood ayuu Kenya u tegay; middi waxey aheyd inuu Kenyaanka u sheego inuu diyaar u yahay inuu gacan ka siiyo sidii ay ula wareegi laheyd badda Somalia qeybta ay muranka gelisay iyo tan labaad oo aheyd inuu Wasiirada arrimaha dubbed Kenya ka codsaday in ay siiso casuumaadda “Invitation” lagu galayey shirka ganacsiga Afrika oo maanta ka dhacay Nairobi, waxaanna lagu yiri: dadka kulankaasi lagu casuumay waa dad kooban oo horay loo diyaariyey casuumaadooda” ayuu yiri diblumaasi Nairobi ku sugan, wuxuuna intaa ku daray in maamulada Jubba iyo Puntland ay si toos ah oo aan gambasho laheyn u taageerayaan bililiqada Kenya.



Sawir gacmeed Amiin Caamir ka sameeyay safarka C/weli Gaas ee Nairobi
“Wasiirada arrimaha dibedda Kenya waxeey si toos ah ugu sheegtay Gaas in aysan dalabkiisa wax jawaab ah ka bixin karin, ayna Dowladda Kenya ku mashquulsan tahay soo dhoweynta Madaxweynaha Mareykanka, waxaanna hadaladii ay ku tiri ka mid ahaa: Shirkan aad leedahay waan ka qeybgalayaa waxaa isugu imaanaya madax sare, adiguna waxaad ka socotaa maamul goboleed suurtagal ma ahan inaad ka qeybgasho” ayuu yiri Diblumaasigaas.

Madaxweynaha Puntland ayaa guuldaro kala soo laabtay safarkii Nairobi maanta, waxaana mar uu la hadlayay warbaahinta uu u sheeegay in magaalada Nairobi kulamo kula soo qaatay beesha caalamka, Safaaradaha wadamo dhowr ah iyo hay’addo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:47 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada